Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Shir ku Yeelanaya Magaalada Baydhabo
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 05 2008
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Shir ku Yeelanaya Magaalada Baydhabo
Written by Ali Moallim   
Saturday, 05 July 2008

Muuqaalka Baarlaamka Soomaaliya oo ShirayaBaydhabo,(insidesomalia.org)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta ay xaruntooda ADC-da kulan ku yeelan doonaan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Kulanka ay maanta isugu imaanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda uu Dalka ku sugan yahay, in la xiro kalfadhiga Baarlamaanka oo markaasina ay Xildhibaannada fasax galaan iyo in ay sii socdaan fadhiyada Kalfadhiga Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shekh Aadan Maxamed Nuur Shekh Aadan Madoobe ayaa dhawaan wuxuu Xildhibaannada ka maqan Magaalada Baydhabo ugu baaqay in ay deg deg ku soo gaaraan Baydhabo, si buu yiri looga hadlo arrimo xasaasi ahoo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadaba waxaa shalay iyo dorraad gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay Xildhibaanno ka kala tegay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaasi oo dabcan ka jawaabayay baaqii uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku sii qulqulayaan Xarunta ADC-da ee ay ku shiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Magaalada Baydhabo ay saaka saaran tahay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqa dadka ah, taasi oo ay ku soo rogeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha Magaalada ku sugan.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >